Wasiirka Qoyska Soomaaliya oo dhiggeeda Turkiga la saxiixatay heshiis iskaashi

0

Antalya, Turkiga – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa magaalada Antalya ee dalka Turkiga heshiis is-afgarad la saxiixatay Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Adeegyada Bulshada ee Jamhuuriyadda Türkiye, Marwo Mahinur Özdemir Göktaş.

 

Heshiiskan ayaa ku saabsan xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada adeegyada bulshada iyo horumarinta siyaasadaha ilaalinta qoyska, iyadoo ujeeddadu tahay in la adkeeyo xiriirka iyo wada-shaqeynta labada wasaaradood.

Heshiiska ayaa sidoo kale dhigaya in labada dhinac ay iska kaashadaan is-weydaarsiga aqoonta, khibradaha iyo hab-dhaqannada wanaagsan ee la xiriira horumarinta adeegyada bulshada, ilaalinta qoysaska iyo xoojinta qaab-dhismeedka bulshada, iyadoo la tixgelinayo doorka muhiimka ah ee qoysku ku leeyahay horumarka iyo xasilloonida bulshada.

Qodobada heshiiska waxaa ka mid ah ilaalinta xuquuqda haweenka iyo carruurta, ka hortagga tacaddiyada ka dhanka ah haweenka, ilaalinta carruurta khataraha ka jira deegaannada dhijitaalka ah, iyo horumarinta adeegyada caafimaadka, waxbarashada, daryeelka iyo baxnaaninta dadka naafada ah iyo dadka waayeelka ah.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa isku raacay inay iska kaashadaan qabashada tababarrada, shirarka iyo siminaarrada, iyo is-weydaarsiga khubarada si kor loogu qaado aqoonta iyo tayada adeegyada bulshada.

Wasiirka Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa xustay muhiimadda uu heshiiskani u leeyahay horumarinta adeegyada bulshada ee Soomaaliya, iyadoo caddeysay sida ay Wasaaraddu uga go’an tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah iyo ka faa’iidaysiga khibradaha dalalka saaxiibka ah, gaar ahaan Jamhuuriyadda Türkiye.

Waxay tilmaantay in iskaashigan uu gacan ka geysan karo horumarinta ilaalinta qoyska, xuquuqda haweenka iyo carruurta, iyo taageerada qaybaha nugul ee bulshada Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa magaalada Antalya khudbad ka jeedisay kulan dhinac socday Shirka COP31, kaas oo diiradda lagu saarayay sidii loo xaqiijin lahaa kala-guur caddaalad ah oo ku dhisan ilaalinta bulshada, adeegyada daryeelka iyo awood-siinta haweenka.

Wasiirka ayaa khudbaddeeda ku soo bandhigtay saameynta uu isbeddelka cimiladu ku leeyahay Soomaaliya, gaar ahaan abaaraha iyo fatahaadaha soo noqnoqda ee saameeya qoysaska, haweenka iyo carruurta.

Waxay sidoo kale carrabka ku adkeysay muhiimadda ay leedahay in maalgelinta la xiriirta isbeddelka cimilada ay gaarto bulshada nugul, gaar ahaan haweenka iyo qoysaska ku nool miyiga, iyadoo xustay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo barnaamijyada badbaadada bulshada iyo taageerada qoysaska ay saameeyaan masiibooyinka dabiiciga ah.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa ku baaqday in haweenka si buuxda looga qeybgeliyo dejinta siyaasadaha la xiriira cimilada, lana aqoonsado kaalintooda muhiimka ah ee la qabsiga isbeddelka cimilada iyo dhismaha adkeysiga bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here