Lafoole, duleedka Muqdisho – Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Mudane Liibaan Cabdi Cigaal, ayaa socdaal garab istaag ah ku tagay Kaamka Daaru Asal ee deegaanka Lafoole, halkaas oo roobab xooggan oo dabeylo watay ay sababeen dhimashada afar qof iyo dhaawaca saddex kale.
Guddoomiyaha oo ay wehliyaan maamulka deegaanka Lafoole iyo mas’uuliyiin ka tirsan gobollada Banaadir iyo Shabeellaha Hoose ayaa booqday qoysaska ay musiibadu saameysay, isaga oo tacsi u diray ehelada dadkii ku geeriyooday, una muujiyay garab istaag iyo taageero.
Dadka ku geeriyooday dhacdadan waxaa ka mid ahaa hooyo lagu magacaabi jiray Sahro Cabdi Maxamuud iyo labadeeda carruur, halka qofka afaraad uu ahaa wiil yar oo deris la ahaa qoyska. Sidoo kale, saddex qof oo kale ayaa ku dhaawacmay roobabka iyo dabeylaha xooggan.
Guddoomiye Liibaan Cabdi Cigaal ayaa sheegay in Hay’addu ay dadaal ugu jirto sidii gurmad iyo taageero loo gaarsiin lahaa qoysaska ay musiibadu saameysay, isaga oo xusay in la xoojin doono wacyigelinta iyo digniinaha la xiriira khataraha ka dhasha roobabka, dabeylaha iyo isbeddelka cimilada.
Waxa uu tilmaamay in dadka barakacayaasha ah ay si gaar ah ugu nugul yihiin xaaladaha cimilada, maadaama qoysas badan ay ku nool yihiin hoy cooshado ah oo aan u adkeysan karin roobabka xooggan iyo dabeylaha.
Dhankiisa, Guddoomiyaha maamulka deegaanka Lafoole, Xuseen Xasan Diinle, ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha booqashada iyo garab istaagga uu u muujiyay qoysaska dhibaatadu saameysay, isaga oo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha samafalka ugu baaqay inay ka qeyb qaataan gurmadka dadka ay saameeyeen roobabka iyo dabeylaha.
Socdaalka Guddoomiyaha ayaa qeyb ka ah dadaallada Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka ee lagu ilaalinayo nolosha dadka nugul, loogu gurmanayo qoysaska ay saameeyaan musiibooyinka dabiiciga ah, isla markaana lagu wacyigelinayo bulshada si looga hortago khasaaraha ka dhasha xaaladaha cimilada.




