Muqdisho, Luulyo 14, 2025 – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ayaa xalay howlgal qorsheysan ka fuliyay Isgoyska Gayacad oo u dhow deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan, kaas oo lagu dilay 15 xubnood oo isugu jiray maleeshiyaad iyo horjoogeyaal ka tirsan Al-Shabaab, halka shan kalena dhaawacyo culus la gaarsiiyay.
Howlgalka oo dhacay saddex jeer oo kala duwan habeenkii xalay ah, ayaa si gaar ah loogu beegsaday koox Al-Shabaab ah oo laga soo abaabulay degmada Aadan Yabaal iyo deegaanka Ceel Cali Axmed ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Kooxdan ayaa la sheegay in ay doonayeen in ay gurmad u fidiyaan xubno kale oo ka tirsan Al-Shabaab oo ku go’doonsan deegaanno ka mid ah gobolka Hiiraan.
Inkastoo kooxda Al-Shabaab ay isku dayeen in ay ku dhuumaaleystaan dhulka howdka ah, haddana howlgalka ayaa ku soo dhammaaday guul, iyadoo lagu dilay 15 xubnood oo ka tirsan kooxda, halka shan kalena si rasmi ah loo xaqiijiyay in dhaawacyo halis ah ay soo gaareen.
Howlgalka ayaa weli soconaya, waxaana ciidamada ay wadaan raadinta xubno ka tirsan Al-Shabaab oo la rumeysan yahay in ay ka firxadeen goobaha lagu weeraray.
Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto howlgallada lagu beegsanayo kooxda Al-Shabaab si loo xaqiijiyo amniga guud ee dalka.




