Xudur, Bakool – Taliyaha Guutada 9-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle Dhexe Yoonis Aadan Xasan, ayaa hoggaamiyay howlgal qorshaysan oo lagu xaqiijinayay amniga degmada Xudur iyo deegaannada hoos yimaada.
Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Ceel-Garas, oo ka tirsan duleedka degmada Xudur ee gobolka Bakool. Wararka ayaa sheegaya in halkaasi la geeyay dhaawacyadii ka badbaaday weerarkii xooganaa ee lagu qaaday kooxda Al-Shabaab habeenkii xalay, kuwaas oo lagu beegsaday duleedka magaalada.
Taliyaha ayaa sheegay in howlgalka uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo amniga, laguna ciribtirayo kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab oo isku dayaya inay carqaladeeyaan nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Ciidamada ayaa sidoo kale baaritaanno ka sameeyay deegaannada ku dhow halka uu howlgalka ka dhacay, si loo xaqiijiyo in aysan jirin xubno kale oo ka tirsan kooxdaasi oo isku dayaya inay isku dhuuntaan bulshada dhexdeeda.
Howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya shacabka deegaanka ay guulo muhiim ah ka gaareen dhowr jiho oo dalka ah.




