Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ka fuliyey duleedka Xudur, kuna dilay horjooge Al-Shabaab u qaabilsanaa baadda shacabka

0

Xudur, Bakool – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey duleedka deegaanka Moora Hagar Guudale, oo qiyaastii 20 KM dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Xudur ee gobolka Bakool, kaas oo lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaadka Al-Shabaab.

 

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay horjooge lagu magacaabi jiray Mustaf Maxamed Dhaayow, kaas oo kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa ururinta lacagaha iyo xoolaha ay baadda uga qaadaan shacabka ku nool deegaanno ka tirsan gobolka Bakool.

Wasaaraddu waxay sheegtay in horjoogaha la dilay uu door ku lahaa falalka baadda ah ee kooxda Al-Shabaab ay ku dhibaateyso dadka rayidka ah, gaar ahaan bulshada ku nool deegaannada ay weli ka jirto saameynta maleeshiyaadkaasi.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku doonayaan ciribtirka haraadiga maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyadoo ciidamada ay sii wadaan baacsiga horjoogayaasha kooxda ee ku dhuumaaleysanaya godadka iyo dhulka howdka ah.

Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadisay geesinimada iyo naf-hurnimada Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoo sheegtay in la sii dardargelin doono howlgalada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab. Wasaaraddu waxay sidoo kale adkaysay in dadaallada milatari ay sii socon doonaan, si meesha looga saaro khatarta amni ee kooxda, loona xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida dalka.May be an illustration of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here