Xildhibaanno ka tirsan Aqalka Sare oo ka qeyb galay kulanka Baarlamaannada Adduunka ee COP31

0

Antalya, Türkiye – Sanatarro ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Samsam Daahir Maxamuud iyo Saciid Cabdi Xuseen Cawke, ayaa ka qeyb galay kulanka Baarlamaannada Adduunka ee Ururka Baarlamaannada Adduunka (IPU), kaas oo qeyb ka ah shirka caalamiga ah ee Isbeddelka Cimilada COP31, laguna qabtay magaalada Antalya ee dalka Türkiye.

 

Kulankan oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Ururka Baarlamaannada Adduunka (IPU) iyo Baarlamaanka Qaranka ee Türkiye, ayaa waxaa ka qeyb galay xildhibaanno iyo wakiillo baarlamaanno oo ka kala socday dalal badan oo caalamka ah, kuwaas oo ka wada hadlayay doorka baarlamaannada ee wax ka qabashada isbeddelka cimilada iyo xoojinta dadaallada caalamiga ah ee lagu ilaalinayo deegaanka.

Ajandaha kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii baarlamaannadu uga qeyb qaadan lahaayeen dejinta sharciyo wax ku ool ah, kormeerka siyaasadaha la xiriira deegaanka iyo taageeridda tallaabooyinka lagu yareynayo saameynta isbeddelka cimilada.

Sidoo kale, waxaa kulanka lagu lafaguray muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah iyo mideynta dadaallada dalalka, si wax looga qabto caqabadaha ka dhasha isbeddelka cimilada, gaar ahaan saameynta uu ku yeesho dalalka nugul.

Ka qeybgalka Sanatar Samsam Daahir Maxamuud iyo Sanatar Saciid Cabdi Xuseen Cawke ayaa qeyb ka ah matalaadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee madalaha caalamiga ah, iyadoo Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka sida weyn u dareema saameynta isbeddelka cimilada, oo ay ka mid yihiin abaaraha soo noqnoqda, fatahaadaha iyo xaalufka deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here