Ciiddanka Xoogga iyo Macwiisleyda Oo Abaabul Dagaal Ka Dhanka Ah Al-Shabaab

0

JOWHAR – Deegaanada ku yaalla gobolka Shabeelada Dhexe ayaa laga soo warinayaa in uu ka socdo abaabul dagaal oo xoogan oo ay wadaan Ciidamada xoogga dalka, iyaga oo garab ka helaya macwiisleyda, si looga saaro Al-Shabaab goobaha ay gacanta ku hayso.

 

Taliyaha Guutada 23-aad, Gaashaanle Dhexe Aadan Jeelle Cali, ayaa warbaahinta la hadlay, isagoo cutubyada Ciidamada xoogga iyo macwiisleyda kula dardaarmay inay isku diyaariyaan guluf dagaal oo lagu xuraynayo deegaanada ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin Shabeelada Dhexe.

“Talaabadan waa mid muhiim ah oo lagu xaqiijinayo ammaanka iyo xasiloonida gobolka,” ayuu yiri taliyaha, isagoo intaasi ku daray in ciidamada iyo macwiisleydu ay tahay inay si wadajir ah uga hortagaan Al-Shabaab oo gobolka dhibaatada ku haya.

Abaabulkan ayaa yimid iyadoo mudooyinkii ugu dambeeyay ciidamada xoogga iyo macwiisleyda ay wadayeen hawlgallo joogto ah oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ku wajahan in lagu burburiyo saldhigyada iyo goobaha ay ka taliyaan gobolka.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay ku howlan yihiin uruurinta xogaha sirdoonka iyo sidii loo dardar gelin lahaa howlgalka si looga fogaado khasaaraha dhimasho ee labada dhinac.

Dadka deegaanka ayaa muujiyay taageero buuxda oo ay u hayaan howlgalka cusub, iyagoo ku baaqay in si wadajir ah looga hortago kooxda Al-Shabaab oo muddo dheer ku hayay caburin iyo hanjabaad.

Abaabulka dagaalka ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah dib u soo celinta nabadda iyo horumarka gobolka Shabeelada Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here