Daawo: Muxuu Shariif Xasan Sheekh Aadan ka yiri is hortaagii lagu sameeyey?

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay is hortaaggii saaka lagu sameeyey, xilli uu kusii jeeday Baydhabo.

Shariif Xasan ayaa eedeyn culus u jeediyey maamulka uu hoggaaminayo Cabdicasiis Lafta Gareen oo ‘bixiyey ‘amarka loogu diido inuu u safro magaalada Baydhabo.

“Ma fileyn meeshii aan dhisay in leyga celiyo, xaqiiqdii ma mudneyn Lafta Gareenow inaad sidaas sameyso, ka fakir siyaasadaadda cirib tirka ah, xittaa malaaqii ma aadan xushmeyn,” ayuu yiri siyaasiga caanka ah ee Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed oo haatan ka tirsan musharixiinta mucaaradka ayaa doonayey inuu doonto kursiga beeshiisa oo deegaan doorashadiisa ay tahay halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here