Nairobi, Kenya – Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa muddooyinkii u dambeeyay xoogga saareysay taageerada iyo garab istaagga ardayda iyo xirfadlayaasha Soomaaliyeed, iyadoo ku dhiirrigelinaysa inay ka faa’iideystaan fursadaha waxbarasho, tababarrada iyo kobcinta aqoonta ee ay ka helayaan dalalka caalamka.
Danjiraha Soomaaliya ee Kenya, Mudane Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa maanta sagootiyay arday Soomaaliyeed oo deeq waxbarasho ka helay dalka Japan. Kulanka sagootinta ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahayd Marwo Tsukishima Ayane, oo wakiil ka ah Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ah ee Japan (JICA) ee Kenya.
Danjire Jabriil oo kulan sagootin iyo dhiirrigelin ah la qaatay ardayda ayaa sheegay in fursadaha noocan ah ay muhiim u yihiin kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya hay’adaha dowladda iyo maamulka deegaanka.
Waxa uu ardayda kula dardaarmay inay aqoonta iyo khibradda ay ka soo kororsadaan waxbarashada dibadda uga faa’iideeyaan dalkooda iyo bulshadooda. Labadan arday oo ka mid ah dufcaddii ugu dambeysay ee sanadkan u ambabaxaysa dalka Japan ayaa uga mahadceliyay Safaaradda Soomaaliya ee Kenya fududeynta safarkooda iyo garab istaagga ay u muujisay, gaar ahaan Danjire Jabriil iyo dhammaan diblomaasiyiinta Safaaradda.
Danjire Jabriil Ibrahim Cabdulle ayaa sidoo kale bogaadiyay dadaallada iyo fursadaha waxbarasho ee ay ardayda Soomaaliyeed ka helayaan dalalka caalamka. Waxa uu sheegay in ay soo kordhayso kalsoonida lagu qabo ardayda Soomaaliyeed ee waxbarashada dibadda u aada, isla markaana dalkooda dib ugu soo laabta, taas oo uu sheegay inay dhiirrigelisay dalal badan inay deeqo waxbarasho siiyaan ardayda Soomaaliyeed.
“Waxaan ugu mahadcelinaynaa dalka Japan taageerada waxbarasho ee ay siiyaan ardayda Soomaaliyeed. Waxaa iyagana mudan in aan ku ammaanno dadaalka ay muujiyeen ardayda Soomaaliyeed, kuwaas oo deeqda waxbarasho ku helay tartan iyo imtixaanno ay galeen,” ayuu yiri Danjire Jabriil. Danjiraha ayaa sidoo kale sheegay in ay tahay markii labaad muddo laba bilood gudahood ah oo Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ay sagootiso arday Soomaaliyeed oo u ambabaxaya dalka Japan.
Waxa uu xusay in qaar ka mid ah ardaydii hore uga faa’iideystay fursadaha noocan ah ay soo dhammaysteen waxbarashadoodii, isla markaana ay maanta ka shaqeeyaan hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya, halka qaar kalena ay weli waxbarashadooda ka sii wataan dalka Japan.
Danjire Jabriil ayaa sheegay in fursadaha noocan ahi ay muujinayaan kartida, dadaalka iyo awoodda ardayda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa helaya fursadaha ay wax kaga bartaan jaamacadaha iyo xarumaha waxbarashada ee dalalka kala duwan.




