Muqdisho, Soomaaliya – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa garoonka kubadda koleyga ee Wiish Stadium kaga qeyb galay ciyaarta kama dambaysta ah ee Tartanka Kubadda Koleyga General Daa’uud, oo ay isaga horyimaadeen kooxaha Heegan iyo Dekadaha.
Ciyaar xiiso badan oo uu ka muuqday tartan adag, islamarkaana ay daawanayeen mas’uuliyiin iyo dadweyne ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir, ayaa ugu dambeyn guushu ku raacday kooxda Dekadaha, taas oo ku guuleysatay tartanka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka, ahna ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda, ayaa labada kooxood ku ammaanay ciyaartii wanaagsaneyd iyo dadaalka ay muujiyeen. Waxa uu hambalyo u diray kooxda Dekadaha oo hanatay koobka, isagoo sidoo kale bogaadiyey kooxda Heegan oo kaalinta labaad gashay.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusay muhiimadda uu isboortigu u leeyahay bulshada, gaar ahaan xoojinta isdhexgalka bulshada, nabadda iyo wadajirka, iyo sidoo kale wacyigelinta dhallinyarada. Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa koobka guddoonsiiyey kooxda kubadda koleyga ee Dekadaha, halka uu sidoo kale bilado guddoonsiiyey ciyaartoyda labada kooxood ee Dekadaha iyo Heegan.
Garoonka ayaa waxaa sidoo kale ku sugnaa wasiirro, oo uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, xildhibaano, Maareeyaha Dekedda Muqdisho, saraakiil, bahda ciyaaraha iyo dadweyne ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir oo u soo daawasho tagay ciyaarta.




