RIYAAD – Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan, ayaa maanta booqasho ku tagay xarunta Dowladda Hoose ee caasimadda Riyaad, halkaas oo uu kulan kula yeeshay Duqa Magaalada Riyaad, Amiir Dr. Faysal Bin Cabdulcasiis Bin Cayaaf.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada caasimadood ee Muqdisho iyo Riyaad, horumarinta wada-shaqeyntooda iyo sidii loo hirgelin lahaa mataaneynta labada magaalo.
Intii uu kulanku socday, Danjire Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan ayaa Duqa Magaalada Riyaad gaarsiiyay salaan uu uga siday dhiggiisa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), taas oo qayb ka ahayd xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta maamullada labada caasimadood.
Danjiraha ayaa ugu dambeyn uga mahadceliyay Amiirka soo dhoweynta diirran iyo kulanka miro-dhalka ah, iyadoo labada dhinac ay isla qaateen in la joogteeyo kulamada iyo wada-tashiyada noocan oo kale ah, si loo sii xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga Muqdisho iyo Riyaad.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu horumarinayo xiriirka Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya, gaar ahaan iskaashiga dhinaca horumarinta magaalooyinka iyo wada-shaqeynta caasimadaha labada dal.




