MUQDISHO – Hantidhowraha Guud ee JFS, Mudane Axmed Ciise Guutaale, ayaa maanta shir-guddoomiyey kulankii 5-aad ee Guddiga Hagidda Mashruuca EU SFA TA. Kulankan waxaa ka soo qaybgalay Kuxigeenka Hantidhowraha Guud ee Hawlaha Baarista, saraakiil ka tirsan XHGS, wakiillo ka socday Midowga Yurub, Adam Smith International iyo Hantidhowrayaasha Guud ee Dowlad-goboleedyada dalka.
Kulanka ayaa looga hadlay halka uu marayo mashruuca EU SFA TA, daba-galka hirgelinta talooyinka hantidhowrka, iyo hawlaha baarista gaarka ah ee la xiriira lacagaha Dowladda Federaalka ay u wareejiso Dowlad-goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Hantidhowraha Guud ayaa bogaadiyey taageerada Midowga Yurub, isaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee dalka, gaar ahaan horumarinta tayada baarista, ilaalinta hantida guud iyo isla-xisaabtanka maaliyadda dowladda.




