MUQDISHO – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa casho sharaf ku maamuusay Xoghayaha Guud ee Xarunta Ilaalinta Fikirka iyo Ka-hortagga Xagjirnimada ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Sareeye Guud Cabdullaahi bin Haadi Al-Haajiri, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku jooga caasimadda Muqdisho.
Munaasabadda casho sharafta ah waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan ee La-dagaallanka Fikirka Xagjirnimada iyo madaxda sare ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.
Wasiirka ayaa wafdiga uga mahadceliyay booqashada ay ku yimaadeen Soomaaliya iyo kulamadii ay la yeesheen madaxda dalka, kuwaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada ka-hortagga xagjirnimada iyo la-dagaallanka fikradaha xagjirka ah.
Sidoo kale, kulamada ayaa qayb ka ahaa dadaallada lagu xoojinayo wada-shaqeynta Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya ee ka hortagga fikirka qaloocan ay faafiyaan kooxaha Al-Shabaab, kuwaas oo dowladda Soomaaliya ay ku tilmaanto khatar ku wajahan nabadda iyo xasilloonida, gaar ahaan dalalka Islaamka.




