Deni oo Safar Ku Tegaya Itoobiya, Heshiisyo Cusubna La Geli Doona Xukuumadda Abiy Axmed

0

GAROWE, Soomaaliya – Ilo xog ogaal ah oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, uu dhawaan safar rasmi ah ku tegi doono dalka Itoobiya, halkaas oo la filayo inuu heshiisyo muhiim ah la saxiixdo madaxda sare ee dalkaasi.

 

Xogtu waxay tilmaamaysaa in meelaha ugu horreeya ee uu Madaxweyne Deni booqan doono ay tahay magaalada Jigjiga, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweyn doono, kadibna uu u sii gudbi doono caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Waxaa la filayaa inuu halkaas kulammo gaar ah la yeesho madaxda ugu sarreysa dowladda Itoobiya.

Safarkan ayaa kusoo beegmaya xilli uu khilaaf xooggan muddo saddex sano ah ka dhaxeeyo maamulka Puntland iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxaana sidoo kale ay arrintani imanaysaa iyadoo Puntland si weyn uga carootay hanaanka ay dowladda dhexe u maareyneyso dhismaha maamulka SSC-Khaatumo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here