DF oo go’aan culus ka soo saartay ka ganacsiga gargaarka Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Warsaxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka ayaa waxaa looga hadlay arrimo ku aadan gargaarka bani’aadanimo ee Soomaaliya, kadib go’aankii Ururka Midowga Yurub ee lagu hakiyay dhaqaalihii uu ururka siin jireen Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP, qeybteeda Somalia.

 

Bayaankan ayaa waxaa lagu mamnuucay ka ganacsiga gargaarka bani’aadanimo ee Soomaaliya, si looga hortago musuq-maasuq.

“Hay’adaha u xilsaaran bixinta Gar-gaarka bini’aadanimo ee Dowladaa Soomalia heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed intuba waxa ay halkan ku cadaynayaan in gebi ahaanba ay mamnuuc tahay in lagasii ganacsado Gar-gaarka sare ku xusan haddii ay ahaa laheyd Cunto, Daawo, ama Qalabka kale ee Hooy ahaan loo isticmaalo,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale waxa qoraalkan lagu sheegay in tallaabo sharci ah lag qaadi doono cid kasta oo lagu soo qabto falkan, gaar ahaan ka ganacsiga gargaarka bani’aadanimo ee Soomaaliya.

Halkan hoose ka akhriso:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here