R/W Xamza oo New York kula kulmay ra’iisul wasaare ku xigeenka Itoobiya

0

NEW YORK (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa madasha uu ka soconayo shirka guud ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee New York waxa uu kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka dalka Ethiopia, Demeke Mekonnen Hassen.

 

Labada mas’uul ayaa waxa ay ka wada-hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Ethiopia.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday arrimaha ammaanka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah A-Shabaab ee haatan ka socda dalka.

Ethiopia ayaa qayb ka ah waddamada dariska ah ee ka qayb-qaata dagaalka Al-Shabaab, waxayna ciidamo ka joogaan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo kamid ah howlgalka ATMIS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here