Sawirro: Madaxweynaha Jubbaland oo gaaray degmada Afmadow + Sawirro

0

KISMAAYO (SMN) – Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta gaaray Degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose oo kamid ah meelaha ay ku dhufteen daadadka iyo fatahaadaha ka jira Jubaland.

 

Axmed Madoobe ayaa halkaas u tagay si uu ugu kuur galo saamaynta dhibaatada ka jirta deegaanka gaar ahaan sidii gurmad loogu fidin lahaa dadka ay saamaysay daadadka iyo fatahaadaha ka jira guud ahaan deegaanada Jubaland.

Sidoo kale waxa uu la kulmi doono qaybaha kala duwan ee bushada iyo saraakiisha ammaanka ee ku sugan aagga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Jubbaland ayaa kamid ah meelaha ay saameeyeen fatahaadaha, waxaana booqasho ku joogo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo u kuurgalaya xaaladda maamulkaasi.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here