DF Soomaaliya oo sheegtay in howlgal lagu laayay 80 ka tirsanaa Al-Shabaab

0

GAALKACYO (SMN) – Taliyaha ciidanka Dhulka Xoogga dalka General Dayax Cabdi Cabdulle oo Warbaahinta ayaa ka warbixiyay xogta rasmiga ah ee dagaal dhawaan ka dhacay magaalada Caad ee koonfurta gobolka Mudug.

 

Taliyaha ayaa xaqiijiyey in Ciidanka Qaranka oo weerar ku qaaday fariismo ay Al-Shabaab ku lahaayeen aagga Caad, halkaas oo Khasaaro baaxad leh lagu gaarsiiyay kooxda.

Waxaa sidoo kale deegaanka Jeex-Jeex ka dhacay dagaal socday muddo 8 saacadood ah, waxaana dagaalkaasi ka dhashay guulo waaweyn oo ay soo hooyeen Ciidanka Qaranka  oo Al-Shabaab kasoo furtay hubkii ay wateen, sida uu shaaca ka qaaday taliyuhu.

Taliyaha ciidanka Dhulka Xoogga dalka General Dayax Cabdi Cabdulle ayaa sheegay in dagaaladaasi ay ku dileen 80 ka tirsanaa xubnaha Al-Shabaab, isla markaana ay ka xoreeyeen waqooyiga iyo bariga magaalada Caad.

Ugu dambeyn wuxuu rajo ka muujiyay in Galbeedka magaalada gabi ahaanba laga xorreeyo Al-Shabaab, si dadka degan ay u helaan nabad-gelyo buuxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here