Doon Kalluumeysi oo lagu afduubay xeebaha Soomaaliya

0

MUQDISHO, Soomaaliya – Burcadbadeeda Soomaalida ayaa la rumeysan yahay inay ka danbeeyeen weerarkii afraad ee lagu qaado markabka muddo bil gudaheed ah.

 

Hay’adaha ammaanka ayaa xaqiijinaya warar ka soo baxay dabayaaqadii todobaadkan oo ahaa in dooni kaluumaysi oo laga leeyahay dalka Yemen la afduubtay,taas oo markii u dambaysay lagu arkay biyaha Soomaaliya.

Ururka Ganacsiga badaha ee UK (UKMTO) ayaa soo saaray war cusub oo aan hore loo xaqiijin oo sheegay in ay rumaysan yihiin in la afduubtay doon kalluumaysi oo Yemen laha leeyahay taasoo lagu magacaabo Emerat-2.

Waxaa markii ugu dambeysay lagu arkay iyadoo ku sii jeedda waqooyiga xeebta Yemen.

Waxaa lagu hayaa meel qiyaastii 8 mayl dhanka waqooyi ka xigta degmada Eyl, oo ku taal xeebta Koonfur-galbeed ee Soomaaliya oo ku wajahan badda Carabta, dhanka Puntland.

Qaar ka mid ah wararka warbaahinta ayaa sheegaya in doonida kalluumeysiga ay ku dhowdahay jasiiradda Socotra, oo Yemen katirsan, halkaasoo Xuutiyiinta gacanta ku hayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here