Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Canada oo Xustay Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed

0

Toronto, Canada – Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu xusay Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magaalada Toronto ee dalka Canada, waxaana ka qeybgalay xildhibaanno Soomaaliyeed oo Baarlamaanka Canada ku metela bulshada Soomaaliyeed, siyaasiyiin hore iyo dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku nool dalkaasi.

 

Munaasabadda ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Dalka Canada, oo loo yaqaano GALA CANADA, waxaana lagu soo bandhigay caqabadaha horyaalla dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi iyo waxqabadkii ugu dambeeyay ee ururku u qabtay dhalinyarada.

Guddoomiyaha Ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Dalka Canada, Cusmaan Cali, oo khudbad ka jeediyay munaasabadda, ayaa ugu horreyn mahadcelin ballaaran u jeediyay siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee Baarlamaanka Canada ku metela bulshada Soomaaliyeed.

Waxa uu ku ammaanay siyaasiyiinta sida ay mar walba ula dareen yihiin dadkooda, isagoo sidoo kale ballanqaaday in ururku uu sii laba-jibbaarayo dadaallada loogu adeegayo dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Canada.

Xildhibaan Maxamed Firin oo ka tirsan Baarlamaanka Ontario, kana hadlay munaasabadda, ayaa uga mahadceliyay Ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Dalka Canada dadaallada joogtada ah ee uu ugu adeegayo dhalinyarada.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dhankooda ay si buuxda garab ugu taagan yihiin dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool Canada.

Gebagebadii munaasabadda Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada, oo la xuso 4-ta Oktoobar, ayaa abaalmarinno kala duwan lagu guddoonsiiyay shirkado iyo shaqsiyaad lagu xusay taageerada iyo garab istaagga ay u muujiyeen dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool Canada, gaar ahaan dhalinyarada dalka ku cusub ee u baahan garab iyo taageero.May be an image of one or more people, suit, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here