Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeybgalay munaasabadda xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub (EU-Somalia Business Forum 2026), oo muddo laba maalmood ah ka socotay magaalada Muqdisho.
Madasha waxaa isugu yimid bah-wadaagta horumarinta, hay’adaha maaliyadeed iyo ganacsatada gaarka loo leeyahay ee ka shaqeeya Soomaaliya iyo dalalka Yurub, iyadoo diiradda lagu saaray fursadaha maalgashi iyo iskaashiga dhaqaale.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Soomaaliya ay maanta diyaar u tahay in caalamku maalgashi ku sameeyo khayraadkeeda istaraatiijiga ah, iyadoo laga faa’ideysanayo goobta ay kaga taallo gobolka iyo xaaladda amni ee dalka.
“Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay dhahdo cid walba oo doonaysa inay dalkaan ka faa’ideysato, nala saaxiibto, nala qaadato amniga iyo midnimada dalkeenna, gacmo furan ku soo dhawaada. Marka aan sidaas leenahay, waxaan aaminsannahay inaan soo buuxinnay shuruudihii lagu maalgashan lahaa Soomaaliya,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay wax badan ka qabatay amniga dalka iyo dib-u-habaynta hay’adaha qaranka, isagoo sheegay in Soomaaliya ay u jihaysatay horumarinta dhaqaalaha iyo kobcinta kaabeyaasha horumarineed.
Waxa uu sheegay in la sameeyay shuruucda saldhigga u ah hirgelinta nidaam dhaqaale oo sugan, la isku halleyn karo, isla markaana bulshada Soomaaliyeed u horseedi kara isku-filnaansho dhaqaale.
Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay leedahay xeebta ugu dheer Afrika, khayraad macdaneed oo aan weli si buuxda looga faa’ideysan, xoolo badan iyo dhul-beereed baaxad weyn, isagoo xusay in dalku uu diyaar u yahay noocyo kala duwan oo maalgashi.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa Midowga Yurub uga mahadceliyay doorkooda iyo xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya, iyo sidoo kale diyaar garowga ay u muujiyeen maalgashiga dhinacyada kala duwan. Waxa uu ugu baaqay maalgashadayaasha Yurub inay ka faa’ideystaan fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya.





