Dhinacyada isku hayo Gedo oo looga digay inay ku dagaalamaaan gobolkaas

0

GARBAHAAREY (SMN) – Aqoonyahan Maxamed Cabdullaahi Kooshin oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ayaa ka hadlay xaaladda gobolka Gedo, kadib tallaabadii uu qaaday madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo maamul u magacaabay gobolkaas.

 

Kooshin ayaa shaaca ka qaaday in xubnaha cusub ee la magacaabay looga baahan yahay inay la fariistaan saaxibada kale ee kasoo horjeedo, si xal loogu helo khilaafka Gedo.

Sidoo kale wuxuu uga digay labada dhinac inay qaadaan tallaabo horseedi karta in dagaal uu ka dhaco gobolka, si aysan uga sii darin xiisadda haatan ka taagan halkaasi.

Aqoonyahan Maxamed Cabdullaahi Kooshin oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in Jubbaland ay ka mid tahay meelaha ay weli ku xoogan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab, isla-markaana ay weeraro ka fuliyaan.

Wuxuu si gaar ah farta ugu fiiqay Gedo oo uu tilmaamay inay ka jiraan dhibaatooyin dhanka amniga ah, isaga oo sheegay in degmooyinka qaar ay ku jiraan go’doon.

Arrinta gobolka Gedo ayaa soo jiitameysay ka hor doorashooyinkiii soo dhammaaday iyo kadib, mana jiro illaa iyo hadda wax xal ah oo laga gaaray tabashada ka jirta gobolkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here