Golaha Amaanka ee QM oo war ka soo saaray dagaalka Laascaanood

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladaha Golaha amaanka ee QM ayaa soo saarey war qoraal ah oo uga hadleen colaadda Laascaanood ee u dhaxaysa Ciidanka Somaliland iyo kuwa SSC.

 

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Gollaha amaanka aad uga walaacsan yahay dagaalka gobolka Sool kaasoo sababay dhimashada boqolaal qof iyo barakaca 150,000 oo qof.

Golaha Amaanka ayaa soo dhaweeyay dadaallada dowlada Federaalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Odayaasha dhaqanka ee lagu raadinayo xabad joojin ka dhaqan gasha Laascaanood.

Sida ku xusan qoraalka, SCC iyo Somaliland ayaa loogu baaqey inay miiska wadahadalka isagu yimaadaan, islamarkaana wadahadal ku dhameeyaan dagaalka oo markii hore ku bilowday banaanbaxyo looga soo horjeedo dilalka waxgaradka iyo siyaasiyiinta magaaladda.

Golaha Amaanka ayaa faray Xafiiska QM ee Soomaaliya inuu fududeeyo wadahadallada, kuna taageero dhinacyada waan-waanta sameynaya waxyaabaha ay baahan yihiin, si loo helo xalka colaadda Laascaanood.

Waxay walaac xooggan ka muujiyeen khasaaraha nafeed iyo midka dhaawac ee ka dhacay magaaladda tan iyo Diseembar 2022, xiligaas oo bilowday kacdoonka SCC.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa ku baaqay in si deg-deg ah looga saaro ciidamada Somaliland ee ku sugan duleedka Laascaanood, waxaana ay ku booriyeen dhammaan dhinacyada inay is-xakameeyaan oo ay ka fogaadaan ficilada hurinaya colaadda iyo hadallada xanafta leh si xaaladda loo dejiyo.

‘’Waa in lala xisaabtamaa kuwa ku lugta leh xasuuqa iyo xad-gudubyada ka dhan ah bini’aadanimada ee ka dhacay magaaladda Laascaanood,’’ ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyn, Gollaha Amaanka ayaa sheegay in looga baayahan yahay dhinacyada inay fududeeyaan gaarsiinta gargaarka bini’aadanimo magaalada Laascaanood iyo duleedka oo dadka barakacay ay ku sugan yihiin iyo in walxaha qarxa laga saaro goobaha dagaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here