Sawirro: Dibadbax ka dhan ah damaca Itoobiya oo ka dhacay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Kumannaan Shacab Soomaaliyeed ah ayaa maanta Dibadbax ballaaran ka dhigay  qeybo badan oo Koonfurta iyo Waqooyiga Muqdisho ah iyaga oo dareenkooda ku muujiyay sida ay uga soo horjeedaan damaca Itoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliyeed.

 

Dibadbaxayaasha oo cod dheer ku cabirayay dareenkooda ayaa socod ku maray qeybo badan oo caasimadda Muqdisho iyaga oo sitay boorar ay ku qofan yihiin: Baddeenna Beec ma aha, Taako Baddeenna,  Kama Tanaasulayno, Taako Dhulkeenna,  Kama Gorgortameyno iyo Taako dhulkeenna, Dhiibimeyno!l.

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ugu horreeyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa shacabka kala qaybgalay Dibadbaxa, iyaga oo ku bogaadiyay sida Waddaniyadda leh ay u difaacayaan dhul badeedka Soomaaliyeed, una diidan yihiin damaca guracan ee Itoobiya.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

default

default

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here