Diyaarad Drone ah oo xalay lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb

0

DHUUSAMAAREEB (SMN) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo xalay ciidamada ammaanka ka sameeyeen magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

 

Howlgalkan ayaa waxaa lagu qabtay diyaarad nooca wax basaasa ah, sida ay innoo sheegeen saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka.

Diyaaradda oo Drone ah ayaa la sheegay in habeenadii lasoo dhaafay lagu arkay aagga Dhuusamareeb, waxaana ugu dambeyn gacanta ku dhigay ciidamada ammaanka.

Sidoo kale inta uu socday howlgalka waxaa gacanta lagu dhigay nin ajnabi ah oo haatan baaris ku hayaan laamaha amniga ee magaalada Dhuusamareeb.

Qabashada diyaaraddan ayaa kusoo aadeyso, xilli haatan ay howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka socdaan gobollada dhexe, kuwaas oo lagu xoreeyay dhul ballaaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here