Wada-hadallo dhex-maray madaxweyne Xasan iyo Shariif oo lagu kala tegay

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inuu fashil ku dhammaaday wadahal uu Nairobi kula yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, sida uu ku sheegay bayaan uu soo saaray.

 

Sheekh Shariif ayaa sheegay in wadahadalladan ay ku saabsanaayeen arrimaha dastuurka, siyaasadda, mustaqbalka dalka iyo khilaafka hadda ka dhex jiray dowladda federaalka iyo Puntland, waxaana uu sheegay inay natiijo la’aan kusoo dhamaadeen.

Shariif ayaa kamid ah siyaasiyiinta sida wayn u diiday wax ka beddelka dastuurka dalka oo ay dhowaan ansixiyeen xildhibaanada labada Gole.

Halkan hoose ka Akhriso;- 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here