Doorashada kuraas ka mid ah Aqalka Sare oo ka dhacday Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Lix kursi oo ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee Somaliland ayaa maanta lagu doortay Muqdisho, ayada oo Cabdi Xaashi Cabdullaahi, guddoomiyaha Aqalka Sare uu noqday Senator-kii ugu horreeyayay ee la doortay kadib markii uu u tanaasulay musharraxii la tartamayay oo ahaa Siciid Cumar Xuseen.

Guddoomiyaha guddiga doorashada gobollada Waqooyi Khadar Xariir Xuseen ayaa ergada u gudbiyay inay si gacan ntaag ah ugu codeeyaan, sida uu qabo habraaca doorashada, waxaana ansixiyay 44, halka laba ka mid ah ka aamuseen, waxaana natiijadani ka dhigantahay in mar kale dib loo doortay Cabdi Xaashi oo afartii sano ee la soo dhaafa ahaa gudoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa ku guuleystay Kursiga 2-aad, isaga oo helay 29, halka Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare eee Soomaaliya Ibrahim Iidle Suleymaan oo la tartamay uu helay 12 cod.

Dhinaca kale, Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa ku guuleystay kursiga saddexaad, isaga oo ka guuleystay Prof. Maxamed Maxamuud Allabari iyo Cabdiraxmaan Cismaan Cali oo la tartamay.

Cabdiraxmaan Cismaan Cali ayaa ku haray wareegga koowaad, waxaana Wareega labaad isugu haray Prof. Cabdi Ismaacil Samatar iyo Prof. Maxamed Maxamuud Allabari, ayada Prof Samatar uu ku guuleystay 25 cod, halka Allabari uu helay 21 Cod.

Kursiga afaraad ayaa waxaa ku guuleystay wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbeooka adkaaday Cabdikariin Maxamed Xasan, isaga oo helay 28 cod, halka uu Cabdikariin Maxamed Xasan helay 17 cod.

Labada kursi ee kale ayaa waxaa ku guuleystay Layla Axmed Ismaaciil iyo Bilaal Idiris Cabdullaahi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here