Dowladda Kenya oo heegan buuxa gelisay ciidamadeeda + sababta

0

NAIROBI (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Waqooyi Bare ee dalka Kenya ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay heegan buuxa la geliyey ciidamada ammaanka ee dalkaasi.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay inay ka feejigan yihiin weeraro uga yimaada Al-Shabaab, kadib weerarkii cuslaa ee lagu qaaday ciidamada Burundi ee ku sugan deegaanka Ceel Baraf oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabelle.

Kenya ayaa shaaca ka qaaday inay heshay xogo ku aadan weeraro ay Al-Shabaab la damacsan yihiin deegaanada dhaca xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, halkaasna ay ka billowday dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana sidoo kale cabsi ay soo wajahday dadka deegaanka ee ku dhaqan halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here