Dowladda Kenya oo laga dalbaday inay dhisto ciidan Macawisley ah + Ujeedka

0

NAIROBI (SMN) – Dowladda Kenya ayaa laga dalbaday in ay sameyso Ciidan Macawisley si ay caawiyaan Ciidamada Booliska iyo kuwa Ammaanka ee ka howlgalla Gobolka Waqooyi Bari oo inta badan ay ka dhacaan weeraro ay geystaan Ururka Al Shabaab.

 

Xildhibaan Cabdi Cali Cabdi, oo ka mid ah mudaneyaasha laga soo doortay Gobolka Waqooyi Bari, gaar ahaan Magaalada Ijaara, ayaa ka codsaday Dowladda Kenya in ay tabbabar siiso dhallinyarada Degaanka, magac ahaana loogu yeero Macawilsey maadaama ay si wanaagsan u kala garanayaan Gobolka si buu yiri ay uga horteggaan weerarada ka dhaca Magaalooyinka ku yaalla xuduudka Dalalka Kenya iyo Soomaaliya.

Dhallinyaradan ayuu Xildhibaan Cabdi sheegay in ay diyaar u yihiin in ay ugaarsadaan dagaal yahanada Al Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya qeybo ka mid ah Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanka ayaa xusay in xubno la aaminsan yahay in ay ka tirsan yihiin Al Shabaab oo ka soo cararay howlgallo dhowaan ka socday qeybo ka mid ah Soomaaliya ay ka soo tallaabeen xuduudka labada dowladdood.

Wuxuu sheegay in dagaal yahanada Al Shabaab ay gabaad ka dhigteen keymaha Bohai ee ku yaalla Ijaara iyo qeybo ka mid ah Magaalada Lamu.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu ballan qaaday in uu xiriir la sameyn doono guddiyada baarlamaanka ee ay khuseyso si ay uga shaqeeyaan sidii niyad dhis loogu sameyn lahaa Ciidanka Ammaanka si buu yiri ay niyad ugu yeeshaan howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab.

Xildhibaanka ayaa xusay in amni-darrada ay gaartay heerkii ugu sarreysay, taasina ay keentay in Hay’adaha Samafalka ee aan Dowliga ahayn ay ku adkaato inay u adeegaan bulshada.

Dhinaca kale, Taliyaha Booliska Kenya, Japhet Koome ayaa booqasho qiimeyn ah ku tagay Magaalada Lamu ka dib markii ay kordheen weerarada ay geystaan Ururka Al Shabaab.

Koome ayaa kulamo kala duwan la yeeshay Saraakiil ka kala socday Booliska, Milateriga, kuwaas oo qeyb ka ah howlgallada ka socda Gobolka.

Saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay, in ka badan 20 sarkaal ayaa lagu dilay weerarro ay Ururka al-Shabaab ka geysteen Magaalooyinka Gaarisa iyo Lamu.

Weerarada ka dhacay Gobolka ayaa loo arkaa in ay kordheen tan iyo markii dib loo furay xuduudka kadib heshiis dhexmaray Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya si la isugu furo isku socodka dadka iyo ganacsiga labada dal.

Dhowaan ayay aheyd markii Wasiirka Difaaca ee dalka Kenya, Aadan Ducaale, uu shaaciyay in Xukuumadda Nairobi ay casriyeyneyso hubka Ciidankeeda si looga horteggo weerarada qorsheysan ee Al Shabaab ay ka geystaan dalalka Kenya iyo Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here