Faahfaahino kasoo baxaya madaafiic lagu garaacay magaalada Laascaanood

0

LAASCAANOOD (SMN) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya tiro madaafiic ah oo ay xalay ciidamada Somaliland ku garaaceen magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

 

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in qaar kamid ah madaafiicda ay ku dhaceen xaafado ka tirsan magaalada, xilli uu ka socday dabaaldagga xuska Kowda Luulyo oo 15 sano kadib xalay lagu qabtay halkaasi.

Munaasabadda xuska Kowda Luulyo oo socota ayay duqeyntu bilaabatay, waxaana ku sugnaa goobta mas’uuliyiin sar sare oo ay ku jiraan xildhibaano ka tirsan labada Aqal.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan madaafiicda loo adeegsaday ee lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen ciidamada milatariga Somaliland.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, ayada oo laga cabsi qabo in mar kale uu dagaal ka qarxo duleedka magaalada Laascaaanood.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ay heleen gurmadyo saacadihii ugu dambeeyay gaaray aagga dagaalka, si ay ugu biiraan.

Dagaalka Laascaanood ayaa mar kale dib u qarxay todobaadkii hore, kaas oo ay barbar socoto duqeyn xoogan oo uu khasaare kasoo gaaray dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here