Dowladda Qatar oo war kasoo saartay qaraxii ka dhacay isgoyska Banaadir

0

Dowladda Qatar ayaa si kulul u cambaaraysay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee lala eegtay kolonyadii uu la socday taliyaha guud ee Booliska Gobolka Banaadir , kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac.

War kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ayey dawladda Qatar ku cambaraysay falkaas oo ay ku tilmaamtay mid xambaarsan cadowtinimo.

Qatar ayaa sidoo kale uga tacsiyadaysay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dhimashadda shacabkii ku dhintay weerarka iyadoo dhaawacana u rejaysay in ay caafimaad helaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here