Dowladda Soomaaliya oo Beenisay Inuu Xumaadey Xiriirka Kala Dhaxeeya Masar

0

MUQDISHO, Soomaaliya — Dowladda Soomaaliya ayaa si xooggan u beenisay wararka warbaahinta ka soo baxay ee sheegayay in khilaaf uu soo kala dhex galay Soomaaliya iyo Masar, iyadoo xaqiijisay in xiriirka labada dal uu yahay mid xooggan oo qoto dheer.

 

War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in aan jirin wax khilaaf ah oo soo wajahay xiriirka labada dal, isla markaana dowladda Masar aysan hakinin heshiiskii iskaashiga milateri ee ay labada dal ku saxiixeen Agoosto 2024.

Safiirka Soomaaliya ee Qaahira, Cali Cabdi Awaare, oo sidoo kale ah wakiilka joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, ayaa sheegay in wararka la faafiyay ay yihiin kuwo marin habaabin ah oo aan sal iyo raad toona lahayn. Wuxuu sheegay in xiriirka labada dal uu si wanaagsan u socdo.

Safiir Awaare ayaa sidoo kale beeniyay wararka sheegaya in la xayiray heshiiska iskaashiga gaashaandhigga ee la saxiixay, isagoo caddeeyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay fulinta qodobbada heshiiska iyo horumarinta iskaashiga milateri ee Masar, gaar ahaan taageeridda dadaallada Muqdisho ee lagula dagaallamayo argagixisada iyo dhisidda awoodda difaaca.

Safiirku wuxuu ugu baaqay warbaahinta inay si taxaddar leh u baaraan xogta ay baahiyaan, isla markaana ay ka fogaadaan daabacaadda warar wax u dhimaya xiriirka labada dal. Wuxuu sidoo kale amaanay doorka taariikhiga ah ee Masar ay ku leedahay taageeridda Soomaaliya dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, iyo dhaqanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here