Sawirro: Dowladda Soomaaliya oo gaari qalabeysan ku wareejisay maamulka SSC

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliyed Dr. Cali Xaaji Aaden ayaa Gaari qalabeysan oo nooca gargaarka deg dega ah (ambulance) ku wareejiyey Xildhibaan Farxiya Yuusuf Cumar Faahiye oo ka wakiil ah Isbitaalka Casuura ee deegaanka Yagoori ee Maamulka SSC-Khaatumo.

 

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Dr. Cali Xaaji Aaden ayaa sheegey in Gaarigan qalabaysan uu wax wayn ka tari doono qeybta Caafimaadka deegaanka Yagoori ee maamulka SSC-Khaatuma.

Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamey in Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u taagan tahay xilli kasta horumarinta Caafimaadka guud dalkeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here