Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo digniin culus soo saartay + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed, ayaa markale maanta ku celisay in Roobka gu’ga ee ka curtay dalka sida saadaasha sheegeyso uu wato daadad iyo fatahaado, dhankeeda ay wado dedaallo arintaas looga gaashaamanayo, iyada oo xustay in daadadkan iyo fatahaadahan laga cabsi qabo in ay sameen ku yeshaan dad gaaraya 800,000 kun oo qof.

 

Mareeyaha xarunta Qaran ee SoDMA Xasan cabdulqaadir ciise ayaa sheegay in ay diyariyeen ka hay’add ahaan 51 Domood oo hadii ay dhacaan fatahaadaha iyo daadadka dadka loogu badbaadiyo, sidoo kale waxa uu sheegay in geeyeen jawaano farabadan magaalooyin ka tirsan Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo jubbaland si Wabbiga iyo goobaha biyo mareenada ah meelaha ay ka jilicsan yihiin loogu adkeeyo.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA, Md Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa dhankiisa shacabka ugu baaqay in ay baneeyaan goobaha biyo mareenada ah,hareeraha wabbiyada, shacabkaan looga bahanyahay in ay taxadaran oo fariimaha hay’adda ay si dhaw ula socdaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here