DF Soomaaliya oo ku baaqday in laga fogaado hareeraha Wabiga Shabeelle

0

MUQDISHO (SMN) – Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku sheegtay warbixin ay soo saartay in Wabiga Shabeelle, dhanka Beledweyne uu cabirkiisa kor u kacay una dhowaaday heerka qatarta ah ee uu ku fataho wabiga, iyadoo ugu baaqday shacabka halkaas ku dhaqan inay ka fogaadaan goobaha biyo mareenada sida wabiyada iyo dooxyada.

 

Qoraalka ay wasaaradda soo saaratay ayaa u qornaa sidan:-

Goobahan ayaa helay roobabkii ugu badnaa sida ay sheegtay wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

๐‡๐ข๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐›๐ž๐ž๐ฅ๐ฅ๐ž Beledweyne, Jalalaqsi, Jowhar (144mm)

๐†๐š๐ฅ๐ฆ๐ฎ๐๐ฎ๐  Galkacyo, Dhuusamareeb iyo Hobyo (128.7mm)

๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐ Galdogob, Garoowe iyo Boosaaso: (128.7mm)

๐‰๐ฎ๐›๐›๐š๐ฅ๐š๐ง๐ Gedo; Baardheere, Doolow, Garbahaarey: (110mm)

๐’๐š๐š๐๐š๐š๐ฌ๐ก๐š ๐’๐ข๐ญ๐ข๐ฆ๐š๐š๐ง๐ค๐š๐ง ๐ŸŽ5 ๐Œ๐š๐ฒ โ€“ ๐Ÿ๐Ÿ๐ค๐š ๐Œ๐š๐ฒ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ’

<Roobab u dhaxeeya ๐Ÿ“๐ŸŽ๐ฆ๐ฆ ๐ข๐ฅ๐š๐š ๐Ÿ๐Ÿ๐ŸŽ๐ฆ๐ฆ ayaa la filayaa in ay ka daโ€™aan magaalooyinka kala duwan ee Dalka, waxaa ka mid ah:

๐‰๐ฎ๐›๐›๐š๐ฅ๐š๐ง๐ Jilib, Kismaayo, Afmadow, Buโ€™aale, Badhaadhe (100-120mm)

๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐ Eyl, agagaarka Garoowe, iyo dhanka Boosaaso (50-100mm

๐Š๐จ๐จ๐ง๐Ÿ๐ฎ๐ซ ๐†๐š๐ฅ๐›๐ž๐ž๐ (Baydhabo, Xuddur (50-100mm)

Sidoo kale, Heerkulka dalka oo dhan ayaa la filayaa inuu u dhexeeyo ๐Ÿ๐Ÿ—-๐Ÿ‘๐Ÿ•ยฐ๐‚

Wabiga Shabeelle, dhanka Beledweyne, cabirka wabiga ayaa kor u kacay una dhowaaday heerka qatarta ee uu ku fataho wabiga. Sidaas daraadeed, Waxaan ugu baaqeyna shacabka in ay ka dheeradaan goobaha biyo mareenada sida wabiyada iyo dooxyada..

Waaxda Saadaasha Hawada ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa warbixintan diyaarisay

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here