Hey’adda SoDMA oo 500 oo qoys gargaar ugu qeybisay degmadda Cabdicasiis

0

MUQDISHO (SMN) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA, ayaa maanta 500 oo qoys waxa ay gargaar mucaawino ah ugu qaybisay degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

 

Qoysaskaan ayaa iskugu jiray danyar iyo kuwa ka soo barakacay gobolada dalka oo wajahayay xaalada adag.

Qaar kamif ah qoysakan ayaa waxa ay u mahad-naqeen hay’adda Mareeynta Musiiboyinka Qaranka oo marwalba u taagan caawinta bulshada Soomaaliyed.

Hay’adda SoDMA  ayaa maalmihii u dambeeyay wadday dadaallo dheeraad ah oo lagu gurmanayo shacabka tabaaleysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here