Dowladda Soomaaliya oo diiday in ay wada-hadal la gasho Itoobiya

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aanka golaha ammaanka iyo nabadda Midowga Afrika uu ku muujiyey sida uusan goluhu marnaba u ogoleyn in lagu xad gudbo Madaxbanaanida Dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

 

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda JFS ayaa lagu yiri” Waxaan uga mahadcelinayaa Golaha ammaanka iyo nabadda Midowga Afrika xaqiijinta ku aaddan madaxbannaanida waddamada xubnaha ka ah AU,”

Sidoo kale waxaa la sii raaciyay “Itoobiya waxay heshiis sharci darro ah la saxeexatay gobolka waqooyi (Somaliland), taasoo xadgudub ku ah madax-banaanida Soomaaliya, dhex dhexaadin ma jirto ilaa Itoobiya ay taas saxdo oo ay ka noqoto MOU-ga sharci darada ah”.

Halkan hoose ka akhriso:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here