Dowladda Uganda oo war cusub ka soo saartay weerarkii Buulo-Mareer

0

KAMPALA (SMN) – Madaxweynaha dalka Uganda yuweri Museveni oo la hadlayay cutubyo ka tirsan ciidamada dalkaasi ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay weerarkii Alshabaab ay ku qaadeen xerada Buulamareer ee ciidamada ATMIS.

 

Madaxweyne Musevani ayaa shaaca ka qaaday in in ka badan 800 boqol dagaalyahan oo Alshabab ah ay fuliyeen weerarkii Buulamareer.

Isagoo hadalkiisa sii watay madaxweyne Museveni ayaa tilmaamay in ciidamada dalkiisa ee ku sugnaa xerada Buulamareer ay ku guuleysteen in ay bur buriyaan gaadiid siday walxaha qarxa ka hor weerarka sida uu hadlaka u dhigay.

Howgalka ATMIS iyo dowladda Uganda oo ay ka soo jeedaan ciidamadii lagu weeraray xero ciidan oo ay ku lahaayeen deegaanka Buulamareer ee gobolka Shabeelada Hoose ayaan shaacin tirada rasmiga ah ee askartii lagu dilay weerarkaasi iyado Alshabaab ayaa sheegteen in in ka badan 100 askari ay ku dileen weerarkaasi.

Si kastaba ha’ahaatee dowladda Uganda ayaa Soomaaliya u soo dirtay saraakiil iyo taliyayaal ciidan oo uu hogaaminayo taliyaha ciidamada lugta dalkaasi General Kayanja Muhanga si ay baaritaano dheeraad ah ugu sameeyaan weerarkaasi.

Golaha loo dhanyahay ee QM ayaa cambaareyay weerarkii deegaanka Buulamareer ee gobolka Shabeelada Hoose oo qiyaastii 110 KM dhanka Koonfureed uga beegan magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here