Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo taageeray in la baabi’iyo xilkiisa

0

MUQDISHO (SMN) – Golaha Wadatashiga Qaranka oo shir dhowr maalin socday ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ku gaaray heshiiis siyaasadeed ee cusub.

 

Heshiiskan ayaa dhigaya in Soomaaliya ay yeelato madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen, ayada oo meesha laga saaray xilka ra’iisul wasaaraha.

Xamza Cabdi Barre oo haatan ra’iisul wasaaraha dalka, isla-markaana qayb ka ahaa heshiiska ayaa soo dhaweeyay in Soomaaliya ay ka guurto xilka ra’iisul wasaaraha, isla-markaana ay markii ugu horreysay yeelato madaxweyne ku xigeen.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale tusaale usoo qaatay dalka Mareykanka oo dhinaca dimuquraadiyadda ugu horreeyo adduunka, uuna leeyahay madaxweyne iyo ku xigeen, isaga oo intaas ku daray in sidoo kale uu yahay waddan federaal ah.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in dalka oo yeesho madaxweyne iyo ku xigeen aysan ka dhignayn in la burburinayo nidaamka federaalka, isaga oo ugu baaqay siyaasiyiinta in la yareeyo walaaca iyo shakiga la xiriira arrintan, ujeedkuna uu yahay in shacabka talada dib loogu celiyo.

Dhanka kale shacabka Muqdisho oo la hadlay warbaahinta ayaa soo dhaweeyay heshiiska ay gaareen xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran oo Villa Soomaaliya heshiis rasmi ah uga gaaray nooca doorashooyinka dalka & wax ka beddal lagu sameeyay nidaamka dowliga ah.

Si kastaba, heshiiskan ayaa waxaa durbadiiba ka dhashay dood xoogan, waxaana si weyn uga soo horjeestay qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ka falceliyay heshiiskaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here