Dr Dufle oo markale loo doortay Senatar ka tirsan Aqalka Sare

0
Dr Osman Mohamud Mohamed, the re-elected senator

JOWHAR (SMN) – Senatar Dr Cusmaan Maxamuud Maxamed (Dufle) ayaa markale dib loogu doortay xubnaha maamulka Hir-shabeelle ku metli doonaa kuraasta baarlamaanka ee Aqalka Sare.

Dr Dufle ayaa waxaa kursiga kula tartamay Amb Tarsan oo ah safiirka Soomaliya ee dalka Kenya iyo Raage Xuseen Xuuti, tartan adag ka dib Dr Dufle ayaa difaacday markale kursiga Aqalka Sare oo uu hore ugu fadhiyey.

Waa kursigii afaraad oo ka mid ah Golaha Aqalka Sare, isla-markaana lagu doorto magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here