Duqa magaalada Muqdisho oo ka digay la shaqeynta kooxda Al-Shabaab

0

MUQDISHO (SMN) –  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo khudbad ka jeedinayay kulan ay xalay mas’uuliyiinta maamulka Degmada Yaaqshiid la qaadanayeen bulshada Waaxda Horseed ee Degmadaasi ayaa ka digay la shaqeenta kooxda Al-Shabaab.

 

Madaale ayaa sheegay in aysan jirin nasiib daro ka wayn in la qariyo xubnaha Al-Shabaab ee weerarada ka gaysanaya gudaha caasimadda iyo kuwa la shaqeynaya intaba.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in ay waajib tahay in aad aqoon buuxda uleedahay cidda guriga kuugula nool ama xaafadda kula dagan, maadaama uu sheegay in ogaanshaha qofkaasi ay muhiim u tahay badqabqabka noloshaada iyo tan bulshadaba.

Sidoo kale wuxuu bulshadda ka codsaday in ay soo gudbiyaan cidkasta oo ay ku tuhmaan la shaqeenta kooxda Al-Shabaab.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo horay gacanta loogu soo dhigay shaqsiyaad gacan saar la leh Al-Shabaab, kuwaas oo la horgeeyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here