Muqdisho – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), iyo ku-xigeenkiisa, Cabdifataax Xasan Afrax, oo maanta lagu doortay magaalada Jowhar.
Duqa Muqdisho ayaa hoggaanka cusub u rajeeyay guul iyo horumar, isaga oo ku boorriyey inay si xilkasnimo leh ugu adeegaan shacabka Hirshabeelle.
Sidoo kale, Muungaab ayaa bogaadiyey dadaallada Guddiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, isaga oo ku ammaanay hirgelinta hufan ee geeddi-socodka doorashada, oo uu ku tilmaamay mid saldhig u ah xoojinta dowladnimada iyo horumarinta hay’adaha dowliga ah ee dalka.
Ugu dambayn, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa mas’uuliyiinta la doortay kula dardaarmay inay sii xoojiyaan iskaashiga Dowladda Federaalka, dowlad-goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, si loo joogteeyo nabadda, wadajirka iyo horumarka guud ee dalka.




