NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane lala xiriirinayo weerarro bambaano oo Muqdisho ka dhacay

0

Muqdisho – Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur, oo loo yaqaan Cabdisamad, kaas oo lagu eedeeyay inuu bamb-gacmeed ku weeraray bar-koontarool oo ay ciidamada amnigu ku sugnaayeen degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

 

Sida ay NISA sheegtay, weerarka ayaa dhacay shalay salaaddii maqrib kaddib, waxaana lagu beegsaday bar-koontarool ku taalla Waaxda Xaawo Taako. Weerarka ayaa sababay dhaawaca saddex qof oo shacab ah iyo hal askari oo ka tirsan ciidamada amniga.

Hay’addu waxay sheegtay in eedeysanaha lagu soo qabtay howlgal degdeg ah, isla markaana la helay muuqaallo ay duubeen kaamirooyinka amniga (CCTV), kuwaas oo qayb ka ah caddeymaha baaritaanka socda.

Sida lagu sheegay xogta hordhaca ah ee NISA, eedeysanaha ayaa lagu tuhunsan yahay inuu qayb ka ahaa shabakad abaabusha weerarrada lagu carqaladeynayo amniga, isla markaana uu sahmin ku sameeyay goobo amni oo ku yaalla Muqdisho, kana qayb qaatay kala gudbinta bambaanooyinka.

NISA ayaa sheegtay inay baaritaan ku waddo doorka eedeysanaha ee ugu yaraan 10 weerar oo bambaanooyin loo adeegsaday, kuwaas oo ka dhacay degmooyinka Kaxda, Garasbaaley, Dayniile, Daarusalaam, Wadajir, Hodan, Kaaraan iyo Heliwaa. Weerarradaas ayaa, sida ay hay’addu sheegtay, sababay dhaawaca 12 qof oo isugu jira shacab iyo ciidamo amni.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa sheegtay inay sii xoojinayso howlgallada lagu beegsanayo xubnaha ay ku tuhunsan tahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab iyo burburinta shabakadaha abaabulan ee weerarrada amni-darrada ka geysta dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here