Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Kawaanka Ansalooti

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xarigga ka jaray Kawaanka Ansalooti ee Degmada Xamar-jajab oo uu Maamulka Gobolka Banaadir dib u dhis ballaaran ku sameeyay.

Munaasabaddan xarig jarka Kawaanka Degmada Xamar-jajab ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Xamar-jajab iyo qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Cumar Filish ayaa Shacabka Degmada Xamar-jajab kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan sidii ay u ilaashan lahaayeen dib udhiska lagu sameeyay Kawaanka isla markaana waxuu ku boorriyay in ay ka shaqeyaan bilicda iyo nadaafadda, isaga oo ballan qaaday in mashaariic kale oo horumarineed laga hirgelin doonno Degmada Xamar jajab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here