Duqeymaha diyaaradaha oo la sheegay inay hoos u dhigeen awooddii Al-Shabaab

0

MUQDISHO (SMN) – Aqoonyahan Isaaq Maxamed oo kamid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay howlgallada ay iska kaashanahaan ciidamada Soomaaliya iyo saaxibada caalamiga ah ee haatan ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka.

 

Isaaq Maxamed ayaa shaaca ka qaaday in howlgallada socda iyo duqeymaha ay is kaabayaan, isla-markaana ay wax badan u dhimeen Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in duqeymaha iyo howlgallada socda ay keeneen in la wiiqo awoodda Al-Shabaab ee gobollada dalka, gaar ahaan Galmudug iyo HirShabelle.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Soomaaliya ay ka socdaan howlgallo culus iyo duqeymo, kuwaas oo khasaare culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.

Howlgallada oo weli sII socda waxaa sidoo kale dhul ballaaran looga qabsaday Al-Shabaab, kadib markii ay magaalooyin horleh gaareen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here