ISTANBUL – Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu sameeyo dadaal kasta oo suurtagal ah si loo gogol-xaarto nabad caddaalad ku dhisan oo laga gaaro dagaalka u dhexeeya Ukraine iyo Ruushka.
Erdoğan ayaa hadalkan ka jeediyay shir-saxaafadeed wadajir ah oo uu magaalada Istanbul kula qabtay Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, kaddib kulan ay ku yeesheen Xafiiska Madaxtooyada ee Dolmabahçe.
Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in wadahadalladii hore ee dalkiisu martigeliyay ee u dhexeeyay Ukraine iyo Ruushka ay muujiyeen in diblomaasiyaddu horseedi karto natiijooyin la taaban karo. Waxa uu xusay in dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu soo afjarayo dagaalka, gaar ahaan kuwa uu sameeyay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ay dib u heleen dardar cusub.
“Waxaan ku adkeysaneynaa inaanay jirin cid guuldarreysanaysa marka la gaaro nabad caddaalad ku dhisan. Waxaan rabaa inaan hoosta ka xarriiqo inaan diyaar u nahay inaan sameyno dadaal kasta oo awooddeenna ah si aan u gogol-xaarno nabadda,” ayuu yiri Erdoğan.
Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaaladda amniga Badda Madow iyo sidii loo xaqiijin lahaa badqabka maraakiibta halkaas isaga kala goosha. Erdoğan ayaa ka digay in colaadda Ukraine ay ku sii fidayso Badda Madow, isagoo sheegay in weerarrada lagu qaado maraakiibta rayidka ah iyo tallaabooyinka sii hurinaya xiisadda aysan dan ugu jirin dhinacyada ay khuseyso.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay in Turkigu uusan aqbali karin weerarrada noocaas ah, iyadoon loo eegin cidda fulinaysa ama sababaha ay ku andacoonayso, wuxuuna dhammaan dhinacyada ugu baaqay inay si mas’uuliyad leh u dhaqmaan.
Erdoğan ayaa intaa ku daray in dalkiisu sii wadi doono wadahadallada uu la leeyahay dhinacyada ay khuseyso, oo uu ku jiro Ruushka, si dib loogu soo celiyo badqabka maraakiibta Badda Madow, loona dardargeliyo dadaallada lagu gaarayo nabad waarta oo Ukraine ka hirgasha.
Dhanka kale, Madaxweynaha Turkiga ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada dalkiisa ee midnimada dhuleed, madax-bannaanida iyo xorriyadda Ukraine, isagoo ku tilmaamay dalkaas saaxiib istiraatiiji ah oo Turkiga leeyahay.
Waxa uu sidoo kale soo dhoweeyay dhaqan-galka Heshiiska Ganacsiga Xorta ah ee labada dal ay kala saxiixdeen sannadkii 2022, kaas oo uu sheegay inuu muhiim u yahay xoojinta xiriirka dhaqaale iyo ganacsi. Heshiiska ayaa la filayaa inuu labada dal u soo dhoweeyo hadafkooda ah in mugga ganacsigu gaaro 10 bilyan oo doollar.
Ugu dambeyn, Erdoğan ayaa sheegay in shirkadaha Turkiga ee sii joogay Ukraine intii uu dagaalku socday ay door muhiim ah ka qaadan doonaan dib-u-dhiska dalkaas marka ay xaaladdu saamaxdo.



