
KHARTUUM – Dowlada Suudaan ayaa Itoobiya ku eedeysay inay ciidanka RSF u oggolaatay inay dhulkeeda ka soo qaadaan weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah, halka Addis Ababa ay hore u beenisay inay taageerto kooxdaas.
Khartuum ayaa sheegtay inay cabashooyin ka gudbisay Itoobiya, kuwaas oo ay u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, kaddib weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah oo ay sheegtay in laga soo abaabulay gudaha dhulka Itoobiya.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Suudaan ayaa sheegtay in weerarradaasi ay bartilmaameedsadeen goobo rayid ah iyo xarumo koronto oo ku yaalla dhowr gobol oo dalkaas ah, kuwaas oo sababay khasaare nafeed iyo carqalad ku timid adeegyada muhiimka ah.
War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaraddu ayay ku sheegtay inay hayso dukumeentiyo muujinaya in Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF) ay adeegsanayaan dhulka Itoobiya si ay uga soo qaadaan weerarro ay ku adeegsanayaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee qaraxyada sida iyo kuwa gantaallada ku shaqeeya, kuwaas oo lagu beegsanayo xarumaha rayidka iyo kaabayaasha muhiimka ah.
Dowladda Suudaan ayaa adeegsiga la sheegay ee dhulka Itoobiya ku tilmaantay fal cadowtinimo ah, iyadoo Addis Ababa ku eedeysay inay jebisay Axdiga Qaramada Midoobay. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ugu baaqday dowladda Itoobiya inay joojiso waxa ay ku tilmaantay falalka cadawtinimada leh. Sidoo kale, waxay bulshada caalamka ugu baaqday inay RSF la xisaabtanto, isla markaana dowladda Itoobiya lagula xisaabtamo waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah.
Ilaa hadda ma jirin jawaab ka soo baxday dowladda Itoobiya oo ku saabsan eedeymaha cusub ee Suudaan. Cabashooyinka Khartoum ayaa yimid kaddib weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah oo lagu qaaday 13 xarumood oo koronto, kuwaas oo ku kala yaalla Khartoum, Al-Jazira, Sennar iyo Al-Qadarif, tan iyo Isniintii toddobaadkii hore.
Suudaan ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah Itoobiya ugu eedeysay inay taageerto kooxda RSF, isla markaana ay u oggolaatay in weerarro diyaaradeed laga soo qaado dhulkeeda. Dhinaca kale, Itoobiya ayaa hore u beenisay eedeymahaas, iyadoo sheegtay inay ixtiraamayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Suudaan.
Dagaalka u dhexeeya ciidamada milatariga Suudaan iyo kooxda RSF ayaa billowday bishii Abriil 2023-kii, kaddib markii uu khilaaf xooggan ka dhex qarxay labada dhinac oo ku saabsan qorshaha lagu dhexgelinayay RSF ciidamada qalabka sida ee dalkaas. Dagaalka ayaa sababay dhimashada tobannaan kun oo qof, halka ku dhawaad 13 milyan oo qof ay ku barakaceen gudaha Suudaan iyo dalalka deriska ah, sida ay muujinayaan qiyaasaha Qaramada Midoobay iyo hay’adaha caalamiga ah.
Sidoo kale, colaadda ayaa sii xumeysay xaaladda bani’aadamnimo ee dalka, iyadoo malaayiin qof ay wajahayaan cunto yari, macaluul iyo adeegyo aasaasi ah oo aan ku filnayn. Eedeymaha cusub ee Suudaan u jeedisay Itoobiya ayaa kusoo kordhaya xiisadaha labada dal, kuwaas oo haddii ay sii xoogaystaan saameyn ku yeelan kara amniga iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.


