Faah-faahin ku saabsan nin xaaskiisa ku gowracay degmada Qoryooley

0

QORYOOLEY (SMN) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo xalay ka dhacday gudaha degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose, kadib markii nin ku hubeysan mindi oo uu xafadda Wadajir ee degmadaasi ku gowracay xaaskiisa.

 

Taliye ku xigeenka degmada Qoryooley Ibraahim Hadaafow oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyay dhacdadaasi, wuxuuna xaqiijiyay in gacanta lagu soo dhigay eedeysanaha.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in haatan ay wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan falkaasi oo ay si weyn uga argagaxeen bulshada deegaanka.

Wa dhacdadii labaad oo maalmod gudahood ah, waxaana ahayd todobaadkii hore markii nin la sheegay inuu maseeray uu xaaskiisa dab ku qabadsiiyay gurigooda oo ku yaalla degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Gabadha oo lagu magacaabi jiray Luul Cabdicasiis ayaa ugu dambeyn shalay ku geeriyootay isbitaalka Digfer ee magaalada Muqdisho, waxaana weli baxsad ah eedeysanaha oo ay baadi goobayaan ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here