Faah-faahino ka soo baxaya madaafiic lagu garaacay magaalada Laascaanood

0

LAASCAANOOD (SMN) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya tiro madaafiic ah oo ay saaka ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC isku weydaarsadeen bariga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

 

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in qaar kamid ah madaafiicda ay ku dhaceen xaafado ku yaalla gudaha magaalada, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkan ku dhintay ugu yaraan illaa 6 qof, kadib markii ay madaafiic habaaw ah ugu tageen goobo ay ku sugaanyeen oo ku yaalla magaalada

Sedex qof ayaa ku dhintay bakhaar ku yalla gudaha magaalada oo uu madfac ku dhacay, halka nabadoon caan ah oo lagu magacaabi jiray, Amiir Jaamac Maxamed Mire uu isna ku dhintay madfac kale ku dhacay goob uu joogay.

Sidoo kale rasaas goos goos ah ayaa waxaa laga maqlayaa aaggaga ay isku horfadhiyaan ciidammada SSC-Khaatumo iyo kuwa Somaliland ee duleedka Laasacaanood

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan madaafiicda maanta lagu garacay halkaasi.

Maalmihii u dambeeyay xaaladda Laascaanood ayaa ahayd mid deggan, inkastoo mas’uuliyiinta labada dhinac ay hanjabaadyo isku marinayeen dhanka warbaahinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here