Faah-faahino ka soo baxaya duqeyn ka dhacday gobolka Gedo

0

CEELWAAQ (SMN) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeymo ay markale maanta diyaaradaha dagaalka Kenya ka fuliyeen qaybo kamid ah gobolka Gedo.

 

Duqeymaha ayaa saacadihii ugu dambeeyay ciidamada Kenya waxa ay ku garaaceen agagaarka deegaanka Khadiijo Xaaji oo hoostaga degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in duqeymahaas ay saameyn ku yeesheen dadka deegaanka ee ku dhaqan goobaha la duqeeyay, kuwaas oo u badan xoolo dhaqato.

Sidoo kale ma cadda khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay weerarkaasi dhanka cirka ah oo ay Kenya ka fulisay gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Ujeedka bartilmaameedka duqeyntan waxaa lagu sheegay mid ka dhan ah Al-Shabaab oo iyagana ku sugan agagaarka deegaanka ay ka dhacday duqeynta ee aagga Ceelwaaq.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dowladda Kenya ama maamulka gobolka Gedo ee ku aadan howlgalkaasi, waxaase haatan cabsida ugu xoogan ay soo wajahday dadka rayidka ah ee ku dhaqan halkaasi.

Kenya ayaa kamid ah dalalka dariska ah ee qaybta ka ah dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, waxayna sidoo kale  ay ciidamo ka joogaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Si kastaba, duqeyntan ayaa ku soo aaday, xilli ay weli dalka ka socdaan dagaallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka, waxaana dagaalkaasi hoggaamintiisa furinta hore u joogo madaxweyne Xasan Sheekh oo muddo bil ka badan ku maqan deegaanada Galmudug iyo HirShaballe, isaga oo haatan ku sugan degmada Aadan Yabaal oo uu ka wado abaabul ka dhan ah Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here